Home Wararka Ciyaaraha Bayern Munich oo iibinaysa Robert Lewandowski si ay ugu maalgeliso u dhaqaaqista...

Bayern Munich oo iibinaysa Robert Lewandowski si ay ugu maalgeliso u dhaqaaqista Erling Braut Haaland

0

Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay iska iibiso xiddiga Robert Lewandowski si uu gacan uga geysto maalgalinta u dhaqaaqista Erling Braut Haaland xagaaga soo aadan.

Lewandowski, oo wax ka badan 18 bilood uga harsan tahay qandaraaskiisa haatan ee Allianz Arena, ayaa ku raaxaysanaya olole kale oo wanaagsan, isagoo 29 jeer shabaqa soo taabtay 24 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

In kasta oo ay jiraan warar hore oo soo jeedinayay Lewandowski inuu u furan yahay u dhaqaaqista Premier League , Bild ayaa sheeganeysa in 33-sano jirkaan uu rajeynayo inuu saxiixo qandaraas cusub si uu ugu sii joogo kooxda heysata horyaalka Bundesliga.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa intaa ku dartay in Bayern ay ka labalabeyneyso inay heshiis cusub ka saxiixato Lewandowski, hadii ay ku guuldareystaan ​​inay buuxiyaan shuruudaha ciyaaryahanka markaas ay eegi doonaan inay lacag kaash ah ku helaan weeraryahanka xagaaga soo aadan, waxaana ay bartilmaameedsan doonaan Haaland bedelkiisa.

Bayern ayaa isku diyaarin doonta in ay xiddiga reer Poland ku iibiso 60 milyan oo euro (£51m) sanadka 2022.

Lewandowski ayaa la fahamsan yahay inuu u sheegay wakiilkiisa Pini Zahavi in kooxda reer Spain ee Real Madrid ay tahay meesha uu doorbidayo haddii uu ka tago Allianz Arena.

Previous articleAnthony Elanga oo qarka u saaran inuu heshiis cusub u saxiixo Manchester United
Next articleWararka Suuqa Maanta: Rudiger, Haaland, Aubameyang, De Jong, Martial, Loftus-Cheek, Meslier

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here