Home Wararka Ciyaaraha Bayern Munich oo ka baxday tartanka loogu jiray Erling Braut Haaland

Bayern Munich oo ka baxday tartanka loogu jiray Erling Braut Haaland

0

Maamulaha Bayern Munich Oliver Kahn ayaa xaqiijiyay in kooxda Bavaria aysan u tartami doonin saxiixa Erling Braut Haaland sanadka soo socda.

Kooxda heysata horyaalka Bundesliga ayaa ah mid ka mid ah dhowr kooxood oo loo saadaalinayo inay u dagaallamaan xiddiga Borussia Dortmund marka uu qandaraaskiisa lagu burburin karo xagaaga.

Bayern ayaa wajaheysa hubanti la’aan ku hareereysan mustaqbalka xiddiga haatan ee Robert Lewandowski , laakiin Kahn ma filayo in xiddiga heerka caalami ee dalka Poland uu ka tago waqti dhow.

Mar wax laga waydiiyay danta kooxdiisa Haaland, ayuu Kahn u sheegay Suddeutsche Zeitung: “waxaan heysanaa Robert Lewandowski.

Haaland waxa uu Dortmund u dhaliyay 76 gool 75 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan 19 gool oo uu dhaliyay 16 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkii 2021-22.

Previous articleHorudhac: Newcastle United Vs Manchester United ee Horyaalka Premier League-ga, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka
Next articleFederico Chiesa oo iska diiday u dhaqaaqista Liverpool si uu ugu biiro Juventus

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here