Bayern Munich oo ka hadashey Mowqifkeeda ku aadan Robert Lewandowski ee Kooxda

Robert Lewandowski ayaa huba inuu sii joogi doono Bayern Munich “labo sano oo kale”, sida laga soo xigtay madaxweynaha kooxda Herbert Hainer, oo ku adkeystay in weeraryahanka lala xiriirinayo Chelsea uusan iib aheyn.

Lewandowski ayaa si aad ah loola xiriirinayay xagaaga inuu u dhaqaaqayo Chelsea isbuucyadii la soo dhaafay, iyadoo tababaraha kooxda Thomas Tuchel lagu soo waramayo inuu doonayo inuu keeno weeraryahan cusub ka hor xilli ciyaareedka 2021-22.

Goal ayaa soo warisay in Blues ay codsatay in lala socodsiiyo xaalada 32 jirkaan haatan ee Allianz Arena, laakiin Hainer ayaan ka cabsaneyn inuu lumiyo hanti qaali ah ka hor inta uusan qandaraaskiisu dhicin 2023.

Markii la weydiiyay inuu wax ka qabto xiisaha Chelsea ee Lewandowski, madaxa Bayern ayaa u sheegay Goal: “Marka hore, feker ahaanteyda, Lewandowski waa weeraryahanka ugu fiican adduunka. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan isaga ku haysanno kooxdeena.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*