Bayern Munich oo kula biiri doonta Arsenal iyo Real Madrid tartanka Dominik Szoboszlai’

Macalinka kooxda Red Bull Salzburg ninka lagu magacaabo Lothar Matthaus ayaa sheegay in Bayern Munich ay bartilmaameed ka dhigatay xidigooda Khadka Dhexe Dominik Szoboszlai.

Waxqabadkii Xidiga Szoboszlai ee Salzburg iyo Hungary 18-kii bilood ee la soo dhaafay ayaa ka dhigay inuu ka mid noqdo ciyaartoy da ‘yarta ugu sareysa Yurub.

Inkastoo RB Leipzig ay ugu horeyso saxiixa 20 jirkaan hadana  Arsenal , Real Madrid iyo AC Milan ayaa sidoo kale la sheegayaa inay isha ku hayaan xaalada xidigan.

Sida laga soo xigtay Matthaus, Bayern ayaa dhawaan ku biiri doonta liiska kooxahaas markii ay isbarbardhig ku sameeyeen kubadsameeyahan iyo xidiga Chelsea Kai Havertz .

Matthaus oo la hadlaya Abendzeitung Muenchen ayaa yidhi: “xidiga Dominik Szoboszlai, waxa uu dhaliyay goolashii muhiimka ahaa ee Iceland, waa sida Kai Havertz ah

Szoboszlai wax ka yar 18 bilood ayaa ka harsan qandaraaskiisa Salzburg.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*