Home Horyaalka Ingiriiska Bayern Munich oo kula dagaalameysa Liverpool, Tottenham Hotspur saxiixa Eder Militao

Bayern Munich oo kula dagaalameysa Liverpool, Tottenham Hotspur saxiixa Eder Militao

0

Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inay kula tartami karto Liverpool iyo Tottenham Hotspur saxiixa daafaca dhexe ee Real Madrid Eder Militao inta lagu jiro bishaan Janaayo.

22 jirkaan ayaa inta badan ku dhibtooday inuu soo bandhigo qaab ciyaareedkiisa Los Blancos tan iyo markii uu ka yimid Porto sannadii 2019, ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa kaliya seddex kulan ciyaaray tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Liverpool iyo Tottenham ayaa labadoodaba lala xiriirinayay daafaca dhexe iyadoo ay jiraan soo jeedin ku saabsan in Madrid ay diyaar u tahay inay ku fasaxdo amaah iyadoo ay xulasho u tahay inay iibsato.

Sida laga soo xigtay Goal , Bayern ayaa sidoo kale ugaarsi ugu jirta iyadoo kooxda ka ciyaarta Bundesliga ay bartilmaameedsaneyso bedelka David Alaba , kaasoo laga yaabo inuu si bilaash ah uga tago sannadkan.

Warbixinta ayaa sheegeysa inaysan jirin dalab rasmi ah oo yimid, laakiin Bayern ayaa ugaarsi ugu jirta labada xiddig ee ka ciyaara Premier League, halka Juventus iyo Borussia Dortmund sidoo kale la sheegayo inay wax ka weydiiyeen.

Militao ayaan wax lug ah ku lahayn Madrid kulamada La Liga tan iyo dhamaadkii bishii October.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here