Home Warar Ciyaaraha Maanta Bayern Munich oo la siiyay fursad ay kula soo saxiixan karaan Federico...

Bayern Munich oo la siiyay fursad ay kula soo saxiixan karaan Federico Chiesa

0

Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in Bayern Munich la siiyay fursad ay kula soo saxiixan karaan Federico Chiesa ka hor inta uusan garabka reer Talyaani u wareegin Anfield.

Liverpool ayaa ku dhibaatootay suuqii xagaaga laakiin Reds ayaa ugu dambayn samaysay saxiixyo cusub maalmihii ugu dambeeyay ee suuqa.

Inkastoo ay awoodi waayeen inay xoojiyaan khadkooda dhexe, Arne Slot waxa uu awooday inuu ka xoojiyo kooxdiisa meelo kale.

Goolhayaha Valencia Giorgi Mamardashvili ayaa ku soo biiray kooxda laakiin waxa uu amaah ugu laabtay kooxdiisa Valencia ka hor inta uuna ku soo biirin kooxda xagaaga dambe.

sidoo kale xiddiga garabka uga ciyaara Juventus Chiesa ayaa ku soo biiray Anfield suuqa maalmihii ugu dambeeyay.

Chiesa ayaa sheegay sida uu ugu faraxsan yahay ku biirista Liverpool laakiin xiddiga 26 jirka ah ayaa loo soo bandhigay saxiixiisa kooxda Bayern Munich.

Sida laga soo xigtay Romano, kooxda Bundesliga ka dhisan ayaa la siiyay fursad ay kula soo saxiixan karaan Chiesa bishii June, laakiin ugu dambeyntii waxay go’aansadeen in ay la soo saxiixdaan Michael Olise.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here