Kooxda Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa in ay samaysay dhaq dhaqaaqii ugu horeeyay ee ay ku doonayso in ay heshiiska ugu kordhiso xiddiga weerarka uga ciyaara ee Thomas Muller .
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa ku riyaaqay xirfadiisa ciyaareed ee Allianz Arena, isagoo dhaliyay 226 gool 618 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo 15 bilood ay ka harsan tahay qandaraaskiisa, wararka la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in 32 jirkaan laga yaabo inuu tartan cusub galo ka hor dhamaadka xirfadiisa.
Sida laga soo xigtay Bild , masuuliyiinta kooxda ayaa u dhaqaaqay Muller heshiisa cusub ka hor inta uusan furmin suuqa kala iibsiga xagaagan.
Warbixintu waxa ay sheegtay in wakiilada Muller ay wadahadalo la yeesheen maamulaha Bayern Oliver Kahn iyo agaasimaha ciyaaraha Hasan Salihamidzic .
Horaantii sanadkan, waxaa la sheegay in Newcastle United ay xiriir la sameysay Bayern oo ku saabsan heshiis macquul ah oo ku aadan weerarka.