Bayern Munich oo war kasoo saartay Wararka ku aadan u dhaqaaqista Antonio Rudiger

Photo Reuters

Tababaraha Bayern Munich Julian Nagelsmann ayaa sheegay in kooxda reer Jarmal aysan wadahadal kula jirin saxiixa daafaca Chelsea Antonio Rudiger .

Kooxda difaacaneysa Bundesliga ayaa lala xiriiriyay inay beeca xorta ah kula soo wareegi doonto daafaca dhexe, kaasoo qandaraaskiisa Stamford Bridge uu dhacayo xagaaga soo aadan.

Juventus iyo Real Madrid ayaa sidoo kale la sheegay inay xiiseynayaan inay Rudiger u soo bandhigaan heshiis hordhac ah bisha Janaayo.

“Taas uun ayaan ka akhriyay warbaahinta sidoo kale, waa inaan arko marka qandaraasku dhacayo ka dibna waan arki doonaa haddii aan weli lacag ku haysto boorsadayda”.

Xiddiga reer Germany ee Rudiger ayaa Chelsea u saftay 156 kulan tan iyo markii uu Roma kaga soo biiray sanadkii 2017.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*