Belgium 1-0 Canada: Xulka Belgium-ka oo Ciriiri ku badiyay Xili kubad la baray

Xulka qaranka Belgium ayaa ku bilaabay ololahooda koobka aduunka 2022 kadib markii ay 1-0 kaga badiyeen xulka Canada kulan ka tirsanaa Group F kulan ay daawanayeen 40,432 kun oo taageere ah gudaha garoonka Ahmed bin Ali Stadium.

Canada ayaa inta badan ku raaxaysanaysay kubbad haynta waxayna ku guulaysteen inay helaan  rigoore daqiiqadihii hore ee ciyaarta.

difaaca Bayern Munich ee Alphonsus Davies ayaa khasaariyay Rigoorada loo dhigay taasi oo laabta u qaboojisay Jamaahiirta Begium-ka.

Ciyaaryahankii hore ee Chelsea Michy Batshuayi ayaa dhaliyay goolkii guusha u noqday Xulka Belgium-ka waana goolkiisii ​​29aad ee qarankiisa wax yar ka hor qeybta nasashada.

Canada Ayaa in badan kubada ka Feecneyd Xulka Belgium-ka lakin kuma guuleysan inay helaan goolka bar-baraha ,guud ahaan kulanka ayaa ku soo dhamaaday 1-0.

Shaxda Labada Xul ay ku soo bilowdeen kulan

Belgium XI: Vertonghen, Witsel, Hazard, Alderweireld, Courtois, De Bruyne, Carrasco, Batshuayi, Dendoncker, Tielemans, Castagne

Subs: Mignolet, Mertens, Casteels, Meunier, Vanaken, Trossard, T Hazard, Wout Faes, Openda, Amadou Onana, De Ketelaere, Jérémy Doku, Zeno Debast, Arthur Theate

Canada XI: Atiba Hutchinson, Junior Hoilett, Steven Vitória, Borjan, Stephen Eustaquio, Richie Laryea, Alphonso Davies, Kamal Miller, Jonathan David, Tajon Buchanan, Alistair Johnston

Subs: David Wotherspoon, Samuel Piette, Lucas Cavallini, Jonathan Osorio, Derek Cornelius, James Pantemis, Mark-Anthony Kaye, Sam Adekugbe, Cyle Larin, Iké Ugbo, Liam Fraser, Joel Waterman, Dayne St. Clair, Liam Millar, Ismaël Koné

.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*