
Ben Chilwell ayaa dhaawaac xoogan soo gaaray intii ku gudo jiray gudashada waajibkii xulkii England ee Tartanka UEFA Nations League.
Xiddiga Chilwell ayaa ku dhaawacmay kulankii uu xulka qaranka England guuldarada kala kulmay xulka Belguim tartanka UEFA Nations League.
Xiddiga daafaca Bidix ka ciyaara ayaa dhamaysan kari waayay ciyaarta isaga oo ka baxay daqiiqadii 38-aad ee qaybtii hore ee ciyaarta kadib dhaawac dhabarka ah oo soo gaadhay.
Wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in xiddiga Chilwell uu rajaynayo in uu dib u helo taam ahaanshihiisa sida ugu dhakhsaha badan.
Daafaca ayaa rajaynaya in uu taam u noqdo kulanka Newcastle ee horyaalka prmemier League ee Toodbaadka dambe.
Be the first to comment