Benzema oo difaacay qaab ciyaareedka Messi ee PSG: “Dadka isaga dhaleeceeya waxba kama yaqaaniin kubada cagta”

Lionel Messi ayaa saaxiib aan macquul aheyn ka helay Karim Benzema, kaasoo aaminsan in kuwa dhaleeceynaya qaab ciyaareedka Argentine ee Paris Saint-Germain aysan waxba ka ogeyn kubada cagta.

Messi ayaa si lama filaan ah ugu biiray kooxda PSG bishii Ogosto kadib markii ay Blaugrana ogaatay in ayna awoodin in ay ku bixiso mushaarkiisa si waafaqsan hoos u dhac ku yimid mushaharkooda.

Talaabadan ayaa loo arkay talaabo kale oo weyn oo ay PSG ku doonaysay inay ugu danbayn ku guulaysato Champions Leaque-ga, maadaama uu ku biirayay koox ay hore ugu faani jirtay Neymar iyo Kylian Mbappe oo weerarka ah.

Laakiin Messi wali lama qabsan Paris. In kasta oo uu shan gool dhaliyay inta kulan ee Champions League uu soo laabtay, Ligue 1 waxay ahayd sheeko ka duwan, kaliya hal gool ayuu dhaliyay 11 kulan.

Benzema waxa uu dareemayaa dhaleeceynta loo jeedinayo Messi inay tahay mid aanan sa aheyn waxana dadka dhaleeceeyay ku tilmaamay kuwa aan kubada wax ka aqoon.

Mar la weydiiyay hadii Messi uu guulo ku gaari doono PSG, Benzema ayaa u sheegay TF1: “Sidee ayuuna guul u gaari karin?

“Kaliya waa xilli la qabsiga, sababtoo ah ma dhalinayo goolal badan, laakiin daawo waxa uu ka sameeyo garoonka dhexdiisa.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*