Benzema oo doonaya inuu u dhaqaaqo Paris Saint-Germain Hadii Haaland uu yimaado Santiago Bernabeu

Real Madrid weeraryahankeeda Karim Benzema ayaa u Dhaqaaqi kara Paris Saint-Germain hadii Los Blancos lasoo Saxiixato Erling Braut Haaland .

Laacibka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa qandaraaskiisa Bernabeu uu dhacayaa xagaaga 2023, markaas oo uu geli doono waqtigii ugu dambeeyay ee xirfadiisa isagoo 35 jir ah.

Benzema ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigaya Real xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 14 gool isla markaana caawiye ka noqday 8 gool 15 kulan oo tartamada oo dhan ah, laakiin waxa loo malaynayaa in uu ka niyad jabay xiisaha ay kooxdiisu u qabto Haaland.

Sida laga soo xigtay El Nacional , ciyaaryahankii hore ee Lyon ayaan dooneynin inuu Haaland la wadaago weerarka, sidaas darteed PSG waxay isha ku heysaa beeca xorta ah marka uu qandaraaskiisu dhaco wax ka yar laba sano.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Benzema uu u furan yahay inuu ku laabto Ligue 1, PSG ayaana qorsheyneysa inay u soo bandhigto ‘heshiis weyn oo ugu dambeeya.

Benzema ayaa hore u dhaliyay 66 gool 148 kulan oo uu u saftay Lyon ka hor inta uuna u wareegin Real, halkaas oo uu kula guulaystay 4 champions League iyo 3 koob oo La Liga ah muddo 12 sano ah oo qurux badan.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*