Benzema oo loo magacaabay ciyaaryahanka sanadka ee UEFA

Weeraryahanka Real Madrid Karim Benzema ayaa dareensan inuu ku jiro qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa xirfadiisa – isagoo jira 34 sano.

Laacibka reer France ayaa loo magacaabay laacibka sanadka ee UEFA 2021/22 ka dib markii uu Los Blancos ku hogaamiyay LaLiga Santander iyo koobabka Champions League xilli ciyaareedkii hore.

“Hadda anigoo 34 jir ah waan wanagsanahay, si fiican ayaan u ciyaaraa” ayuu Benzema u sheegay warbaahinta Isboortiga Yurub (ESM).

“Waa run in heer shaqsiyeedkan uu ahaa xilli ciyaareedkii ugu fiicnaa xirfadeyda ciyaareed, laakiin waxaa jira hal shay oo aan is bedelin: waxaan aadaa garoonka anigoo ka fikiraya waxa ay tahay inaan sameeyo si aan ugu guuleysto ciyaarta, waxaan ka fekeraa kooxda. ma aha naftayda.”

Benzema oo hadalkiisa sii wata ayaa qiray in koobkii Champions League ee xiliciyaareedkii hore uu ahaa kii ugu macaanaa ee uu ku guuleysto xirfadiisa ciyaareed, sababa la xiriira qaabkii ay Real Madrid u soo bandhigtay wareega 16-ka.

“Inkasta oo horyaal kasta uu leeyahay taariikh u gaar ah oo uu ka duwan yahay, haddana waxaa cad in Champions League-ga uu ahaa kii ugu adkaa shantii aan ku guulaysto, aniga sidoo kale wuxuu ii ahaa kii ugu quruxda badnaa soo laabashadiisa iyo sababtoo ah waligay ma quusan”. “Benzema ayaa hadalkiisa raaciyay.

Laacibka reer France ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay inuusan waxba iska bedelin ciyaartiisa ka dib bixitaankii Cristiano Ronaldo ee Real Madrid soo laabashadii 2018.

“Cristiano wax badan ayuu i caawiyay,” Benzema ayaa xusay.

Isaga oo la jooga waxa aan lahaa door kale, markii uu baxayna, waxa aan ogaa in aan tallaabo hore u qaadi karo gool dhalinta.

“Taasi waa sababta aan diiradda u saaro waxa aan ku sameyn karo garoonka si aan kooxda uga caawiyo inay guuleysato, tirooyinka ma ahan waxa ugu muhiimsan, ma ciyaaro anigoo ka fikiraya kaliya koobab ama goolal.

“Waxaan u ciyaaraa sababtoo ah waxaan jeclahay kubada cagta, inkastoo aan riyooyin leeyahay, dabcan, sida ku guuleysiga Koobka Adduunka ama Ballon d’Or.”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*