Berbatov oo talo Cusun siiyay Xidiga Rashford oo Xiiso ka helaya PSG

Xiddiga Manchester United Marcus Rashford waa inuu talo ka qaato ruug cadaaga Cristiano Ronaldo isku daygiisa uu ku doonayo inuu dib ugu helo qaab ciyaareedkiisa ugu fiican.

Taasi waa fikradda weeraryahankii hore ee United Dimitar Berbatov , kaasoo Ronaldo kula soo ciyaaray kooxda Old Trafford.

Rashford ayaa ku dhibtooday inuu helo ciyaartiisa xilli ciyaareedkan, ka dib markii uu ka soo laabtay dhibaatooyin garabka iyo anqawga ah xilli ciyaareedkii hore.

The Sun , Berbatov ayaa qoray: “Haddii uu jiro qof kooxda ka tirsan oo khibrad u leh kubadda cagta adduunka, sida Ronaldo oo kale markaas u tag oo talo weydiiso, waxaan hubaa inuu dadka siin doono waqti iyo erayo xikmad leh. .

” Edinson Cavani wuxuu keenaa goolal meel kasta oo uu tago, waa inuu sidoo kale la hadlaa isaga, ha noqonina sida aniga oo kale, la hadal asxaabtaada.

“Rashford waa ciyaaryahan tayo fiican leh, waana ciyaaryahan weyn oo u dhashay England, waa mid kasoo baxay akadeemiga United, qof walbana waa uu ogyahay inuu yahay ciyaaryahan weyn.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*