Bilyaneerada Qatar oo Qarka Usaaran inay Lawareegaan Kooxda Liverpool

Kooxaha ugu waaweyn England ee Man United iyo Liverpool ayaa ah kuwo haatan suuqa yaala iyadoo mulkiilayayaasha Maraykanka ee kooxahaasi go’aansadeen inay iska iibiyaan.

Maalgaliyayaal ree Qatar ah ayaa doonaya inay iibsadaan haatan koox Premier League ah waxayna u muuqdaan kuwo haatan u badan dhinaca Liverpool.

Sida lagu sheegay wargeyska Sportsmail bishii November, maamulka Liverpool ayaa wadahadalo la yeeshay wakiilo ka socday dalalka Saudi Arabia iyo Qatar oo xiisaynayay iibka kooxda.

Markale dhawaan ayuu saxafiga ree Qataree Mohammed Saeed Alkaabi shaaca ka qaaday in Bilyaneerada dalkiisu u jan-jeedhaan dhinaca Reds.

Waxa la fahamsan yahay in shaqsiyaadka doonaya Liverpool ay yihiin shirkad gaar ah oo aysan ahayn dawlada dalkaasi.

Liverpool ayaa lagu qiimeeyaa 3.89 Bilyan pound, mulkiilayaasheeda FSG ayaa la filayaa inay 4 Bilyan oo pound dalbadaan.

Reds ayaa qiimo ahaan ka macquulsan oo ka jaban Man United oo qoyska iska leh ee Glazer Family ay ku doonayaan lacag 5 Bilyan ilaa 7 Bilyan oo pound ah.

Bishii October ee sanadkii 2010 ayay ahayd markii FSG ay Liverpool ku iibsadeen kaliya 300 Milyan oo pound taas oo ka dhigan inay faa’ido aad u badan ka sameeyeen.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*