Boateng oo Shaqsiyan iskugu bandhigay kooxda Manchester United si uu ugu biiro

Daafaca Bayern Munich ee laga fasaxay kooxda Jerome Boateng ayaa naftiisa u soo bandhigay Manchester United .

Boateng ayaa doonaya inuu u dhaqaaqo United xagaagan, sida ay warinayso Calciomercato.com .

32 jirkaan ayaa lagu soo waramayaa inuu aad uga xun yahay inuusan helin koox kadib markii uu ka tagay kooxda Bundesliga .

Juventus , AC Milan , Lazio , Napoli iyo Roma ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseynayaan, laakiin Boateng ayaa doonaya inuu u dhaqaaqo Old Trafford.

Daafaca Jarmalka ayaa ka warhaya in United ay suuqa ugu jirta saxiixa daafac dhexe, inkastoo ay heshiis la gaartay daafaca Raphael Varane .

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*