Home Falanqeynta Kulamada Bochum 0-7 Bayern Munich: Mane oo labo gool dhaliyay iyadoo wiilasha Nagelsmann...

Bochum 0-7 Bayern Munich: Mane oo labo gool dhaliyay iyadoo wiilasha Nagelsmann ay sii wataan guulahooda

0

Bayern Munich ayaa 100% ku bilaabatay horyaalka Bundesliga ka dib markii ay 7-0 kaga badisay Bochum iyagoo dhaliyay ugu yaraan lix gool kulankii labaad oo xiriir ah oo ay marti yihiin.

Kooxda difaacaneysa horyaalka ayaa qeybtii hore ee ciyaarta si naxariis darro ah shabaqa ugu hubsatay goolal waxana ka caawiyay Leroy Sane, Matthijs de Ligt, Kingsley Coman iyo Sadio Mane.

Mane ayaa mar kale shabaqa ku hubsaday goolkii labaad ee ciyaarta Daqiiqadii 60aad goolkaasi oo ahaa rigoore , iyadoo Serge Gnabry oo bedel ku soo galay uu gool dhaliyay halka goolka lixaad uu iska dhaliyay Christian Gamboa Daqiiqadii 69aad iyadoo ciyarta ay ku soo dhamaatay 0-7.

Bayern ayaa sii wadaneysa difaaceeda horyaalka marka ay la ciyaareyso Borussia Monchengladbach maalinta sabtida, halka Bochum ay u safreyso Freiburg Jimcaha.

Previous articleWar Deg Deg AH: Mbappe oo barbareeyay rikoorka Ligue 1 ee Goolka ugu dhaqsiyaha badnaa.
Next articleciyaartoyda Manchester Uniter oo Caraysan Fasixii laga baajiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here