Bochum 4-2 Bayern Munich: Hogaamiyayaasha Bundesliga oo bar-baro lagu qabtay

Bayern Munich ayaa guul-daro kala kulantay Bochum markii ugu horeysay 18 sano kadib ciyaar ku soo dhamaatay 4-2 oo ka dhacday Vonovia Ruhrstadion.

inkastoo guul daro soo gaartay Bayern Munich hadana waxay 9 dhibcood ku heysaa horyaalka iyadoo leh 52 dhibcood waxana ku soo xiga Dortmund oo leh 43 dhibcood.

Robert Lewandowski ayaa labo gool u dhaliyay, kooxda Julian Nagelsmann kuwaasi oo iska celin kari weyday guuldarro lama filaan ah oo ka soo gaartay kooxda ka soo horjeeday.

Christopher Antwi-Adjei, Jurgen Locadia, Cristian Gamboa iyo Gerrit Holtmann ayaa dhaliyay goolasha ka hor qeybta nasashada kooxda martida loo ahaa, kuwaasoo aan afar jeer shabaqa soo taabanin Bundesliga tan iyo markii ay 5-3 kaga badiyeen Wolfsburg bishii November 2007.

Dhanka kale, hogaamiyayaasha ayaa laga dhaliyay afar gool horyaalka Jarmalka markii ugu horeysay tan iyo guuldaradii 5-1 ee ka soo gaartay Eintracht Frankfurt bishii November 2019.

Bayern ayaa ku soo laabanaysa ciyaaraha Champions League marka ay u safrayaan Salzburg Arbacada. Afar maalmood ka dib, waxay eegi doonaan inay ku soo laabtaan wadada guusha ee Bundesliga iyagoo wajahaya Greuther Furth.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*