Home Wararka Ciyaaraha Borussia Dortmund oo bixineysa qandaraas rikoor ah si ay uga dhaadhiciso Erling...

Borussia Dortmund oo bixineysa qandaraas rikoor ah si ay uga dhaadhiciso Erling Braut Haaland inuu sii joogo

0

Borussia Dortmund ayaa lagu soo waramayaa inay diyaarinayso xidhmo dhaqaale oo rikoor ah si ay isugu daydo inay ku qanciso Erling Braut Haaland inuu kooxda sii joogo wixii ka dambeeya xagaaga soo socda.

21 jirkaan ayaa ka mid ah weeraryahanada loogu doonista badan yahay kubada cagta aduunka, iyadoo kooxaha sida Manchester City , Manchester United , Bayern Munich , Barcelona iyo Real Madrid ay dhamaantood xiiseynayaan adeegiisa.

Dortmund ayaa qarka u saaran inay wajahdo dagaal adag si ay u sii haysato weeraryahankeeda marka uu 64 milyan ginni qandaraaskiisa lagu burburin karo xagaaga 2022.

Si kastaba ha ahaatee, Bild ayaa ku warameysa in BVB ay raadineyso inay miiska saarto qandaraas rikoor ah si ay Haaland ugu qanciso inuu sii joogo Signal Iduna Park.

Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in Dortmund ay doonayso inay laba jibaarto mushaharka Norwegian-ka ah oo ay gaadhsiiso ilaa 260,000 oo gini todobaadkii, halka gunno gaadhaysa ilaa 6.7 milyan oo gini oo ay bixiso maalgeliyayaasha Dortmund ee Puma lagu dari doono xidhmo dhaqaale.

Wadahadalada u dhexeeya wakiilada Dortmund – wakiilka Haaland Mino Raiola iyo aabaha weeraryahanka, ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Man City Alf-Inge Haaland – ayaa lagu wadaa inay bilaabmaan sanadka cusub, iyadoo go’aanka ugu dambeeya ee mustaqbalkiisa la go’aamin doono dhamaadka Febraayo.

Haaland ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay goolka hortiisa mar kale xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 19 gool 16 kulan oo uu u saftay BVB tartamada oo dhan.

Previous articleRobert Lewandowski oo ka warbixiyay mustaqbalka Bayern Munich Xili lala xiriirinayo Manchester City
Next articleBarcelona oo ku dhow inay la soo wareegto labada Xidig ee Matthias Ginter iyo Denis Zakaria

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here