Borussia Dortmund oo dalab 38 milyan ginni ah ka gudbisay badalka Erling Braut Haaland.

Borussia Dortmund ayaa dalab 38 milyan ginni ah ka gudbisay weeraryahanka kooxda Sassuolo ee Gianluca  Scamacca sida lagu sheegay warbixin, iyadoo xidiga reer Talyaani loo arko bedelka Erling Braut Haaland .

Iyadoo kooxaha sida Barcelona, ​​Real Madrid, Manchester United iyo Manchester City ay dhamaantood isha ku hayaan inay u dhaqaaqaan Haaland marka qandaraaskiisa la burburin karo xagaaga, BVB ayaa raadineysa badalka xidigan.

Dalab 38 milyan ginni ah ayaa haatan loo gudbiyay 23 jirkan sida laga soo xigtay La Gazzetta dello Sport , kaasoo sagaal gool u dhaliyay Sassuolo 22 kulan oo Serie A ah ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Kooxda Jarmalka ayaa isku dayi doonta inay dhameystirto heshiiska Janaayo, laakiin Scamacca ayaa ku laaban doona Sassuolo inta ka dhiman xilli ciyaareedka 2021-22, ka hor inta uusan u dhaqaaqin Bundesliga xagaaga.

Kadib qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ee xilli ciyaareedkan, Scamacca ayaa loogu yeedhay xulka sare ee Italy waxana uu kulankiisii ​​ugu horeeyay u saftay bishii September ee sanadkii hore.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*