Borussia Dortmund oo guul 4-3 ah ka gaartay kooxda Bayer Leverkusen, Haaland oo labo mar Shabaqa soo taabtay

Kooxda Borussia Dortmund oo booqasho ugu tagtay kooxda Bayer Leverkusen ayaa ugu soo badisay 4-3 kulan ka tirsan Horyaalka Bundesligaha Dalka Germalka, iyadoo xidigaha Haaland uu labo mar shabaqa soo taabtay.

Sharaxaada Ciyaarta.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa qeybta hore looga naxsaday gool uu dhaliyay Florian Daqiiqadii 9aad ee Ciyaarta waxan Bar-bareeyay Haaland Daqiiqadii 37aad ee Ciyaarta.

Kooxda Bayer Leverkusen ayaa mar kale qabatay hogaanka Ciyaarta daqiiqadii 45+1aad ee Ciyaarta iyadoo lagu kala nastay 2-1.

Qeybta Danbe ee Ciyaarta Borussia Dortmund ayaa mar kale ciyaarta bar-bareesay waxana markan shabaqa soo taabtay Julian Brandt daqiiqadii 49aad ee ciyaarta.

Daqiiqadii 55aad ee Ciyaarta Kooxda Bayer Leverkusen ayaa heshay Goolkeeda 3aad ee Ciyaarta waxana ka caawiyay Moussa Diaby, lakin Hogaankooda kuma waarin kadib markii Borussia Dortmund ay heshay labo gool oo deg deg daqiiqadii 71aad Raphael Warrior iyo rigoore ah uu ku daray Haaland.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Borussia Dortmund ay soo gasho kaalinta 3aad iyadoo leh 9 dhibcood kadib afar kulan oo ay ciyaareen.

Shaxda Kulankan.

Leverkusen XI: Hradecky, Demirbay, R. Andrich, Tah, Schick, Paulinho, Diaby, Bakker, J. Frimpong, Odilon, F. Wirtz

Subs: Bellarabi, A. Lunev, Alario, Amiri, Sinkgraven, Retsos, E. Palacios, A. Adli

Dortmund XI: Witsel, Reus, Meunier, Guerreiro, Brandt, Dahoud, Akanji, G. Kobel, M. Pongracic, Haaland, J. Bellingham

Subs: Hummels, Hitz, Wolf, Passlack, D. Malen, Reinier, A. Knauff, Y. Moukoko, G. Gürpüz

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*