Home Wararka Ciyaaraha Borussia Dortmund oo qarka u saaran inay laba jibaarto mushaharka Haaland

Borussia Dortmund oo qarka u saaran inay laba jibaarto mushaharka Haaland

0

Borussia Dortmund ayaa qarka u saaran inay laba jibaarto mushaharka Haaland uu ka qaato Kooxda.

Kooxda u tartamaysa horyaalka Bundesliga ee Borussia Dortmund ayaa lagu soo waramayaa in ay u soo bandhigtay Erling Haaland in ay laba jibaarto mushaharka si ay ugu qanciso in uu sii joogo.

Weeraryahanka ayaa ah weeraryahanka loogu doonista badan yahay kubadda cagta adduunka, isagoo dhaliyay 19 gool 16 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan.

Marca ayaa ku warameysa in Dortmund ay ku kalsoon tahay inay sii heyn doonaan Haaland ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda, in kasta oo 75 milyan euro lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Previous articleHakim Ziyech oo Xiiso ka helaya Mid kamid ah Kooxaha Italy
Next articleChelsea oo wali ku raad joogta saxiixa xiddiga Sevilla ee Kounde

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here