Home Horyaalka Germalka Borussia Dortmund oo qorsheyneysa inay iska iibiso Jadon Sancho xagaagan

Borussia Dortmund oo qorsheyneysa inay iska iibiso Jadon Sancho xagaagan

0

Borussia Dortmund ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay iska iibiso Jadon Sancho xagaagan kaasi oo Bartilmaameed u ah Kooxda ManchesterUnited.

20 jirkaan ayaa qorshihiisa ahaa inuu u dhaqaaqo Old Trafford wuxuu dhaliyay hadal heynta suuqa kala iibsiga xagaagii ugu dambeeyay, laakiin wuxuu sii joogay Dortmund ka dib markii Man United ay ku guuldareysatay inay bixiso qiimaha ay ku dooneysay ee 109 milyan oo ginni.

Si kastaba ha noqotee, Man United ayaa la rajeynayaa inay dib u soo ceshato raacdadooda Sancho markii uu dhammaado xilli ciyaareedka 2020-21, weeraryahankana waxaa loo maleynayaa inuu haatan lagu heli karo qiimo ka hooseeya £ 87.6m sababo la xiriira saameynta dhaqaale ee cudurka faafa ee coronavirus.

Sida laga soo xigtay WAZ , Sancho waxaa hubaal ah inay iibin doonto Dortmund haddii ay ku guuldareysato inay xaqiijiso u soo bixitaanka Champions League, kooxda ka ciyaarta Bundesliga-na waxay diyaar u tahay inay hoos u dhigto dalabkooda sababo la xiriira xaaladdooda dhaqaale ee kacsan.

Warbixinta ayaa intaas ku dareysa in Sancho uu ka mid yahay ciyaartoy dhowr ah oo laga yaabo inay baxaan haddii Dortmund aysan ku dhameysan afarta kooxood ee ugu sareysa, iyo Erling Braut Haaland oo lala xiriirinayo Manchester City ayaa ah magac kale oo ka mid ah liiska laga yaabo in ay baxaan .

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here