Home Wararka Ciyaaraha Borussia Dortmund oo Shaacisay Qiimaha uu Mushaharka uu Doonayo Erling Braut Haaland...

Borussia Dortmund oo Shaacisay Qiimaha uu Mushaharka uu Doonayo Erling Braut Haaland Todobaadkii

0
Ad

Weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland ayaa la filayaa inuu usbuuciiba 500 kun ginni ka qaato kooxdiisa soo socota.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Norway ayaa si weyn loo filayaa inuu ka tago garoonka Westfalenstadion marka ay bilaabato ku biirista Kooxdiisa cusub.

Ad

Manchester United , Manchester City , Chelsea , Paris Saint-Germain iyo Real Madrid ayaa dhamaantood loo malaynayaa inay ku jiraan loolanka Haaland, kaasoo uu matalo wakiilka caanka ah ee Mino Raiola .

Sida laga soo xigtay ESPN , Haaland – oo lagu xamanayo inuu haysto 64 milyan ginni oo lagu burburin karo qandaraaskiisa Dortmund – wuxuu filayaa mushahar toddobaadle ah oo ugu yaraan £ 500k usbuucii ah kuwa doonaya.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in kooxaha ugu waaweyn Yurub aysan u badneyn inay u diidaan mushaarkiisa qaaliga ah, laakiin PSG ayaa durba dib ugu dhacday tartanka loogu jiro adeegiisa.

Haaland waxa uu leeyahay 23 gool iyo lix caawin 20 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan waxana uu qandaraas kula jiraa Dortmund ilaa xagaaga 2024.

Previous articleReal Madrid oo isku diyaarinaysa in Joachim Low uu noqdo badalka Carlo Ancelotti.
Next articleChelsea oo ku Qasban inay iibiso N’Golo Kante ka hor inta aysan la soo wareegin Declan Rice

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here