Brazil 2-0 Serbia: Richarlison oo labo gool dhaliyay xilli Selecao ay guul ku bilowday Group G

Richarlison ayaa labo gool dhaliyay iyadoo Brazil ay ku daah furteen ololahooda Koobka Adduunka iyagoo 2-0 kaga badiyay Serbia.

Weeraryahanka Tottenham ayaa jebiyay ismari waaga ciyaarta isagoo meel cidlo ah ka helay kubad uu soo bixiyay goolhayaha Daqiiqadii 62aad ee ciyaarta kulan ka dhacay garoonka Lusail Iconic Stadium.

Richarlison ayaa markaas kadib dhaliyay goolkiisa labaad oo ahaa mid Cajiib ah 17 daqiiqo ka dib goolka hore Waxana uu Shabaqa dhex dhigay kubad uu ka helay V. Junior

Selecao ayaa weli guuldarro la’aan ah kulankeedii furitaanka ee finalka tan iyo 1934, markaasoo ay 3-1 ku garaacday Spain wareegii koowaad.

Guuldarro la’aan 15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee Group-yada koobka adduunka Brazil ayaa ka badbaaday Wixii ku dhacay Xulka Argentin oo Latin kasoo wada jeedaan.

Shaxda lagu soo bilaabay labada Dhinac

Brazil XI: Thiago Silva, Danilo, Sandro, Alisson, Casemiro, Neymar, Marquinhos, Richarlison, Raphinha, Paqueta, Vinicius

Subs: D.Alves, Éverton Ribeiro, Weverton, Alex Telles, Fred, Ederson, Fabinho, Jesus, Guimaraes, Militao, Pedro, Gleison, Rodrygo, Martinelli, Antony

Serbia XI: Tadic, Gudelj, Filip Mladenovic, Mitrovic, A. Živković, Veljkovic, Lukic, Milinkovic-Savic, Vanja Milinković-Savić, Milenkovic, S. Pavlovic

Subs: Lazovic, Djuricic, Stefan Mitrović, Dmitrovic, Kostic, P. Rajković, Babic, Radonjic, Grujic, Jovic, Maksimovic, Dušan Vlahović, Uroš Račić, Ivan Ilić, Strahinja Eraković

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*