Brendan Rodgers oo Cadeeyay go’ankiisa Shaqada Kooxda Newcastle United iyo Hadii uu Qabanayo

Tababaraha kooxda Leicester City Brendan Rodgers ayaa lagu soo waramayaa inuusan danaynaynin inuu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Newcastle United , haddii Steve Bruce la eryo.

Ka dib markii Magpies ay £ 300m kula wareegeen Sucuudiga todobaadkii hore, waxaa la filayaa in Bruce laga qaadi doono waajibaadkiisa ka hor kulanka Premier League ee ay toddobaadkan la yeelan doonaan Tottenham Hotspur.

Warar hore ayaa sheegayay in dhowr maamule ay u tartamayaan bedelka 60 jirkaan ku sugan St James Park, oo ay ku jiraan Graham Potter , Steven Gerrard , Frank Lampard iyo Antonio Conte .

Rodgers waa magac kale oo lala xiriirinayo, si kastaba ha ahaatee saxafiga John Percy oo ka tirsan Daily Telegraph ayaa ku andacoonaya in Macalinka reer Northern Ireland uusan dan ka lahayn inuu qabto xilka Newcastle.

48 jirkaan ayaa saxiixay qandaraaska King Power Stadium bishii Diseembar 2019, waxana uu ku egyahay ilaa Juun 2025.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*