Chelsea ayaa 2-0 ku dhaaftay kooxda Brentford wareega 8da ee EFL Cup iyadoo sidaasi ugu gudubtay wareega Semi-finalka.
gool iska dhaliyay Pontus Jansson, iyo Gool rigoore ahaa uu ku daray Jorginho ayaa ku filneyd guusha Blues ee kulankan.
kooxd Chelsea ayaa u muutatay mid ciyaareysa waqti dheeraad ah iyadoo Thomas Tuchel uu ku qasbanaaday inuu u yeedho ciyaartoy waa wayn qaybtii labaad ee ciyaarta.
Jansson ayaa iska dhaliyay kubad banaanka lasoo dhigay daqiiqadii 80-aad ee ciyaarta, Goolhaye Alvaro Fernandez ayaa qalad ku galay Pulisic garsooraha ayaa tilmaamay rigoore waxana rigooradaasi gool u badalay Jorginho Afar Daqiiqad kadib iyadoo sidaasi Chelsea ku gaartay guul 0-1.
Chelsea ayaa u safri doonta Aston Villa kulan ka tirsan Premier League maalinta Boxing Day, markaasoo Brentford ay wajihi doonto safar ay ku aadayaan Brighton and Hove Albion.
Tottenham 2-1 West Ham:
dhanka kale kooxda Tottenham ayaa u soo gudubtay Semi-finalka koobka EFL Cup iyadoo 2-1 uga badisay kooxda West Ham United. goolashada Spurs waxaa u dhaliyay S. Bergwijn iyo L. Moura qeybta hore ee ciyaarta.