Brentford 4-0 Manchester United: Manchester United oo la kulantay mid ka mid ah guuldaradii ugu xumayd ee taariikhda Premier League

Manchester United ayaa la kulantay mid ka mid ah guuldaradii ugu xumayd ee taariikhda Premier League iyada oo kooxda Erik ten Hag ay si dirqi ah u dul dhigtay Brentford guuldaradii 4-0 ahayd Sabtidii.

Ten Hag ayaa raadinayay jawaabtii isbuucii hore guuldaradii 2-1 ee gurigooda ka soo gaartay Brighton and Hove Albion, waxaana uu awooday inuu ku soo bilowdo Cristiano Ronaldo, laakiin wax walba oo ay United heshay ayaa aheyd ceeb.

Daqiiqaddii 10aad ayay Brentford hoggaanka ciyaarta qabatay, markaas oo kubbad uu Jensen u tuuray Dasilva uu goolka kaga toogtay bannaanka xerada ganaaxa, waxaana qabtay goolhaye David de Gea maadaama kubaddu ahayd mid diciif ah, balse kubadda ayaa hoos baxday facmihiisa, sidaas ayaanay ku gashay goolka.

Goolka Labaad ayaa Yimid kadib markii Jensen oo kubadda uu iska dhiibay De Gea qabsaday ayaa lasoo galay xerada ganaaxa, waxaana uu la galay xerada ganaaxa ka hor intii aanu kubadda dhinac ka dhigin goolhaye David de Gea, sidaas ayaanay ciyaartu ku noqotay 2-0 iyadoo waqtigu marayo 18 daqiiqadood oo kaliya.

Halka Goolka Sadexaad uu salaxay Kubbad Toney madax kusoo qabtay oo uu goolka hortiisa keenay ayaa waxa madax kale sii raaciyey Mee oo ciyaarta ka dhigay 3-0 markii ay maraysay 30 daqiiqadood oo kaliya.

Goolka Afaraad aya Yimid:Kubbad ay difaaca Brentford iska soo saareen ayaa waxa badhtamaha garoonka agtiisa ka helay Toney oo orod kaga soo dheereeyey ciyaartoyda Manchester United, waxaanu isku sii dhaafiyey Mbuemo oo isaguna orod kaga dheereeyey Luke Shaw, waxaanu si deggen Mbuemo kubadda u dhaafiyey De Gea.

Ten Hag ayaa ugaarsigiisa guushii ugu horreysay isagoo tababaraha United sii wadi doona usbuuc Isniinta iyadoo kooxda ay xafiiltamaan ee Liverpool ay booqanayaan Old Trafford. Brentford waxay aadi doontaa Fulham laba maalmood ka hor.

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*