Bruno Fernandes oo hakiyay wadahadaladii qandaraas kordhinta ee Manchester United’

Weeraryahanka Manchester United Bruno Fernandes ayaa lagu soo waramayaa inuu hakad geliyay wadahadaladii uu kula jiray kooxdiisa oo ku saabsanaa qandaraas cusub.

27-sano jirkaan ayaa dhaliyay todobo Gool, waxaana loo diiwaan geliyay sagaal caawin 26 kulan oo uu u saftay Red Devils xilli ciyaareedkan, oo ay ku jiraan labo gool oo uu ka dhaliyay Aston Villa sabtidii.

Fernandes ayaa wali seddex sano iyo bar uga harsan tahay qandaraaskiisa Old Trafford, laakiin waxaa jiray warar sheegaya in Man United ay isku dayeyso inay ka saxiixdo heshiis horumarsan.

Sida laga soo xigtay The Athletic , xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal ayaa diiday dalab uga yimid kooxda xagaagii deyrta kaasi oo hada hakiyay.

Warbixinta ayaa sheegeysa in kubad sameeyihii hore ee Sporting Lisbon uu doonayo inuu la mid noqdo ciyaartoyda ugu mushaarka badan kooxda, iyadoo Cristiano Ronaldo , David de Gea, Harry Maguire , Paul Pogba , Anthony Martial , Raphael Varane iyo Edinson Cavani ay dhamaantood sheegeen inay qaataan wax ka badan £100,000.

Fernandes ayaa lagu Xamanayaa inuu doonayo inuu arko sida qeybta labaad ee ololahan ay u dhacayso ka hor inta uusan go’aansan inuu heshiis kale u saxiixo kooxda heysata 20-ka jeer ee Ingariiska.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*