Bruno Fernandes oo ka Hadlay rigooradii uu Qasaariyay

Xiddiga Manchester United Bruno Fernandes ayaa bixiyay raaligelin ka dib markii uu khasaariyay rigoore guuldarradii lama filaanka ahayd ee Premier League ee ka soo gaartay Aston Villa, isagoo ballanqaaday inuu ka soo kaban doono qaab ciyaareedkii xumaa ee kooxda.

United ayaa 1-0 looga badiyay iyagoo Old Trafford kula Ciyaaray Aston Villa Sabtidii ka dib markii Fernandes uu kubad laad xor ah uu qasaariyay

Si kastaba ha ahaatee, Fernandes-oo rigoore ka qaaday saaxiibkiis Cristiano Ronaldo-ayaa birta ku dhuftay iyadoo United ay la kulantay guuldaradii ugu horeysay ee Premier League xilli ciyaareedkan iyo guuldaradii seddexaad afar kulan oo tartamada oo dhan ah.

Fernandes ayaa rigoore ka qasaariyay kaliya markii labaad 23kii isku day ee Man United tartammada oo dhan iyo markii ugu horreysay tan iyo Oktoobar 2020 oo uu ka horyimid Newcastle United Premier League.

“Ma jiro qof aniga iga sii niyad jabsan oo ka niyad jabsan rigoorada uu qasaariyay iyo guuldarradii ka dhalatay,” ayuu Fernandes ku qoray baraha bulshada.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*