Bruno Fernandes oo ka hadlay Rigooradii Xalay ee Cristiano Ronaldo loo dhiibay Halkii uu isaga tuuri lahaa

Bruno Fernandes ayaa sharaxay sababtii uu ugu ogolaaday Cristiano Ronaldo inuu rigooraha Xalay uu tuuro Kulankii Manchester United ee Arsenal.

United ayaa soo gashay kaalinta 7-aad ee kala sareynta horyaalka Premier League kadib markii ay 3-2 kaga badisay Gunners gurigeeda , iyadoo Fernandes uu dhaliyay goolkoodii ugu horeeyay ka hor inta uusan Ronaldo ku darsan labo Gool

Goolka labaad ee Ronaldo ayaa ku yimid rigoore isagoo ka hormaray Fernandes, kaasoo qirtay in labada xidig aysan ka hadlin isbadalka rigoorada

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Portugal ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu u dhaafo masuuliyada ninka ay isku dalka yihiin ka dib markii uu seegay dadaalkiisii ​​​​ugu dambeeyay ee United guuldaradii 1-0 ee Aston Villa 25kii Sebtember.

“Ma aanan yeelan wada sheekeysi, sidaas darteed waxaan ku kalsoonahay isaga si la mid ah sida uu iigu kalsoonyahay” ayuu Fernandes u sheegay BBC Sport ciyaarta ka dib.

 “Waxa la gaadhay wakhtigii uu Cristiano qaadan lahaa rigoorada sababta oo ah waxa aan qaatay kii ugu dambeeyay oo aan khasaariyay, macno ma samaynayso qofka rigoorada qaata”.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*