Kabtanka kooxda Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa ka xanaajiyay taageerayaasha kooxdiisa hadalkii uu ka yidhi intii uu ku sugnaa waajibaadka xulka qarankiisa Portugal.
30-sano jirkaan ayaa soo jeediyay inuu aad ugu faraxsan yahay marka uu matalo dalkiisa marka loo eego naadigiisa xilli uu si xun ku bilowday xilli ciyaareedka 2024/25.
Fernandes ma uusan gaarin heerarkii waxqabad ee laga filayey qeybihii hore ee xilli ciyaareedka isagoo ku guuldareystay inuu hal gool ka dhaliyo 11kii kulan ee furitaanka United.
Waxa uu diiwaan gashaday afar caawin laakiin aad ayuu uga fogyahay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa tan ilaa markii uu heshiiska cusub ee ilaa 2027 u saxiixay kooxda.
Markii uu qalinka ku duugay heshiis cusub, Fernandes wuxuu daaha ka qaaday inuu haystay dalabyo badan oo uu ugu biiri karay kooxo kale laakiin uu sii joogay kooxda Man United kadib mashruucii ay u soo bandhigeen INEOS