Bruno Fernandes oo ku adkeysanaya in Manchester United ay wali dhibaatooyin heystaan.

Kubadsameeyaha kooxda Manchester UnitedBruno Fernandes ayaa shaaca ka qaaday in Red Devils ay wali heystaan ​​dhibaato loo baahanyahay in ay xaliso madaama ay hogaanka u hayaan Premier League.

Wiilasha Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka faa’iideystay guushii Liverpool ee guul la’aanta aheyd waxayna haatan isku arkeen inay labo dhibcood ku hayaan hogaanka horyaalka, inkastoo kooxda kaalinta labaad ee Manchester City auu kulan u harsanyahay.

United ayaa sidoo kale u gudubtay wareega shanaad ee FA Cup ka dib markii ay 3-2 kaga badiyeen Liverpool Axadii, laakiin Fernandes wuu ogyahay in kooxdiisu aysan aheyn kuwa dhameystiran oo ay tahay inay wax ka qabtaan qaar ka mid ah dhibaatooyinka socda qeybta labaad ee xilli ciyaareedka.

sida laga soo xigtay The Mirror , Fernandes ayaa yiri: “Kadib ciyaartii Leicester markii aan barbaro galnay daqiiqadii ugu dambeysay, runtii waan ku faraxsanahay inaan arko jahwareerka kooxda markii aan tagay qolka labiska.

“Waxay ahayd markii iigu horeysay ee aan arko jahwareer dhab ah kadib barbarihii ciyaarta. Waxaan u maleynayaa inay tahay inaan isdhisno oo u diyaar garoobno, tusaale marka aan guuldareysano hal kulan, inaan kusii socono isla heerka.

“Markii aan imid waxaan arkay in kooxdu ay soo koreyso. Ciyaar ahaan, waxaan bilownay inaan sameyno wax ka sii fiican oo ka wanaagsan. Hada, ku dhowaad hal sano markii aan imid, waxaan u maleynayaa inaan wali dhibaatooyin haysanno.

“Waad arki kartaa inaan goolal badan nalooga dhaliyay bilowga ciyaaraha.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*