Bruno Fernandes oo Manchester United u ciyaara ayaa lagu ammaanay geesinimo ka dib markii uu ka badbaadiyay qof rakaab ah xaalad caafimaad oo degdeg ah oo ka dhacday duulimaad xilligaasi uu ku jiray.
Xiddiga khadka dhexe ee Manchester United ayaa ku jira waajibaadka caalamiga ah isagoo la jooga xulka Portugal, isaga oo isku diyaarinaya ciyaarta Nations League oo ay la ciyaarayaan Poland, taasoo ka dhici doonta Portugal maalinta Jimcaha. Fernandes iyo saaxiibkiisa Diogo Dalot ayaa diyaarad uga duulay Manchester iyaga oo kusii jeeda Lisbon.
Rakaab kale ayaa markaas xanuunsaday waxaana uu u muuqday inuu miyir beelayay ka hor inta uusan Fernandes u gurmanin.
Susanna Lawson, oo iyaduna rakaabka la socotay iyada oo ku sii jeeday shir ganacsi oo ka dhacaya halkaas, ayaa tiri: “Bruno wuxuu aaday suuliga diyaaradda inta lagu guda jiray duulimaadka. Waxaan si lama filaan ah u maqalnay qaylo gargaar taasoo dadka ag joogay ay u jeesteen dhanka suuliga, anagana waxaan fadhinay dhinaca dambe.
“Qof kale ayaa arkay ninkii oo dhinac maraya isagoo u muuqda mid aan caafimaad qabin.
“Shaqaalihii diyaaradda ayaa u cararay suuliga si ay u caawiyaan. Kursi banaan ayaa ku yaalay dhabarka kaasoo Bruno uu ka caawiyay ninkii inuu ku fariisto.
Markii xaaladdii degdegga ahayd la xalliyay, Lawson ayaa weydiisatay inay sawir la gasho Fernandes.
“Wuxuu ahaa qof iska caadi ah,” ayay u sheegtay Business Cloud. “Haddii aadan aqoon u lahayn isaga, ma ogaan lahayn inuu qof caan ah yahay.
“Waan ka labalabeynay inaan sawir la galno isaga sababo la xiriira dabeecaddiisa is xakameynta leh. Xitaa hal mar ma uusan soo hadalqaadin Manchester United.”