Kabtanka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo saxeexa cusub ee ay kooxdiisu samaysay xagaagan ee Rasmus Hojlund oo uu soo bandhigay saddex arrimood oo uu ku arkay oo qanciyey.
Erik ten Hag ayaa suuqii xagaagii tegay, waxa uu bartilmaameedkiisa koowaad ka dhigtay weeraryahanka reer Denmark oo ay £72 milyan oo Gini kusoo iibsadeen, inkasta oo xilli-ciyaareedkii tegay uu kaliya sagaal gool oo Serie A ah u dhaliyey Atalanta.
United ayay ka go’nayd inay hesho weeraryahan dhexe markii uu ka tegay Cristiano Ronaldo, isla markaana Wout Weghorst oo ay amaah kusoo qaateen uu saldhigi waayey Old Trafford oo ay amaah kaga soo qaateen Burnley.
Rasmus Hojlund ayaa saddexdii ciyaarood ee horyaalka Premier League ugu horreeyey kaga maqnaa dhaawac, waxaase uu beddel ku yimid ciyaartii ugu dambaysay ee Arsenal ay 3-1 ku karbaashtay.
Bruno Fernandes oo ka hadlayay laacibkan ayaa kusoo koobay saddex arrimood, waxaanu yidhi: “Waa shaqsi isku dayaya inuu la hadlo qof kasta oo kooxda ah, waa wiil illaa intii aan ka akay doonaya inuu si adag u shaqeeyo si uu kooxda booskiisa uga helo.
“Waxa uu mar walba doonayaa in uu sida ugu dhakhsaha badan, uguna suurtogalsan ula qabsado kooxda iyo inuu kusoo kordhiyo tamar baan, xoogganaan iyo inuu sidoo kale rajaynayo inuu goolal badan dhaliyo.”
Fernandes oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Rasmus waxa uu doonayaa inuu dhiso xidhiidhka kooxda, isla markaana kubbadaha la ciyaaro dhaxda, garbaha iyo weeraryahannada sababtoo ah aniga ayaa sheegay in aan joogo oo qof walba uu ku dhibaatoodo.
“Waxa aanu doonaynaa in ay faraxsanaadaan [weeraryahannadu], in ay dareemaan in ay kubbaduhu soo gaadhayaan si ay u helaan fursado iyo in ay goolal dhaliyaan oo ah waxa aanu doonayno.”