Xulalka Portugal iyo Poland ayaa usoo baxay Koobka Adduunka 2022 lagu qaban doono waddanka Qatar, waxaanay soo reebeen North Macedonia iyo Sweden oo ay min 2-0 ku garaaceen.
Bruno Fernandes ayaa noqday halyeyga xulka qaranka Portugal, waxaana laba gool oo uu kala dhaliyey labadii qaybood ee ciyaarta ayaa Portugal ugu filnaaday inay iska xaadiriyaan Koobka Adduunka, soona afjaraan dardartii xulka soo reebay Talyaaniga ee North Macedonia.
Sidoo kale, Poland ayaa laba gool oo ay u kala dhaliyeen Robert Lewandowski iyo Zielinski ugu soo baxay Koobka Adduunka, halka Sweden ay awoodi weyday in ay xataa hal gool la timaaddo.
Ciyaarta sida gaarka ah isha loogu hayay ayaa ahayd Portugal iyo North Macedonia maadaama waddanka yar ee aan ciyaaraha taariikhda badan ku lahayn uu hore usoo reebay xulka awoodda badan ee Talyaaniga, hase yeeshee kubbad uu ka shaqeeyey Cristiano Ronaldo ayaa uu Bruno Fernandes hoggaanka ugu dhiibay waddankiisa daqiiqaddii 32aad.
Sweden ayaa sannadkii 2014kii ka maqnayd Koobka Adduunka, hase yeeshee waxay soo noqotay oo ay kasoo qayb-gashay sannadkii 2018 oo ay isreeb-reebka ku garaacday Talyaaniga, waxaase xalay sahayday Poland oo u diidday inay kasoo qayb-galaan.