Home Wararka Ciyaaraha Bruno iyo Pepe oo Eedeeyay Garsoore Facundo, Koobka Waxaa Lala Rabaa Xulka...

Bruno iyo Pepe oo Eedeeyay Garsoore Facundo, Koobka Waxaa Lala Rabaa Xulka Argentina

0

Daafaca dhexe ee xulka qaranka Portugal ee Pepe iyo saaxiibkiis Bruno Fernandes ayaa ujeedkoodu ahaa go’aanka FIFA ay ku magacawday garsooraha Argentine Facundo Tello kulanka ay wareega 8 dhamaadka la ciyaaareen Morocco ku tilmaamay eex.

Portugal ayaa noqotay waddankii ugu dambeeyay ee ka hara Koobka Adduunka ee Qatar 2022 iyadoo Morocco ay noqotay waddankii ugu horreeyay ee Afrikaan ah – iyo Carab – oo gaara semi-finalka tartanka.

Ciyaarta ka dib Pepe oo ciyaaray Koobkiisii Adduun ee ugu danbeeyay ayaa weerar ku qaaday FIFA iyo garsoorihii kulankii maanta.

Wuxuu u sheegay FIFA inay koobka iska siiyaan Argentina madaama ay u hiilinayaan xulka Lionel Messi.

“Waa wax aan la aqbali karin in kulankii maanta loo dhiibay garsoore Argentina u dhashay ka dib wixii dhacay shalay” ayuu yiri.

“Cabashadii Messi iyo hadalkii Argentina. Ma oranayo waxay isla socdaan laakiin maxaan ciyaarnay qeybtii labaad? Waxba.

“Goolhayahooda mar walba ciyaarta ayuu joojinayay, kaliyana sideed daqiiqo ayaa lagu daray ciyaarta.

“Ka dib wixii aan arkay maanta, waa inay haatan koobka iska siiyaan Argentina.”

Kulankii maanta si weyn ayuu uga duwanaa kulankii xalay ee u dhaxeeyay Netherlands iyo Argentina iyadoo garsooraha reer Spain Mateu Lahoz uu bixiyay 15 kaar hurdi ah iyo labo kaadh kale uu bixiyay waqtigii rigoorada.

Dhanka kale Fernandes ayaa ku celceliyay dareenka saaxiibkiis, isagoo sheegay in go’aanka garsooraha ee ah inuusan rigoore ku dhigin uu ahaa mid cajiib ah.

Previous articleN’Golo Kante oo ku Dhow ku biirista Barcelona, Heshiiska Labada Dhinac oo Socda
Next articleEngland 1-2 France: Xulka Saddexda Libaax oo laga Reebay Koobka Adduunka, Kane oo la Dagtay Xulkiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here