Bukayo Saka ayaa muujiyay farxadiisa iyo mahadnaqiisa ka dib markii uu kabtan u noqday kooxda Arsenal oo 2-0 kaga badisay Paris Saint-Germain tartanka Champions League.
21-jirka garabka ka ciyaara ayaa ku tilmaamay khibrada mid cajiib ah isagoo ku dhibtoonaya inuu dareenkiisa erayo ku muujiyo.
“Shaqsi ahaan, waxaa jira waxyaabo badan oo aan sameeyay xirfadayda laakiin xirashada calamada kabtanimo habeen champions League ah ayaa ah mid cajiib ah, kuma cabiri karo ereyo”ayuu Saka yidhi.
Saka ayaa sheegay in calaamada kabtanimada uu si weyn u qadarin doono.
“Waan haysan doonaa calaamada waanan xusi doonaa habeen sidan oo kale ah”.