Burkina Faso 1-3 Senegal: Mane oo shabaqa soo taabtay iyadoo Libaaxyada Teranga ay gaareen finalka Koobka Qaramada Africa

Xulka Senegal ayaa gaaray finalka koobka qaramada Afrika markii labaad oo xiriir ah iyadoo goolal ay kala dhaliyeen Abdou Diallo, Idrissa Gueye iyo Sadio Mane ay 3-1 kaga badiyeen Burkina Faso.

Kooxda Aliou Cisse ayaa koobkan laga qaaday sanadkii 2019 markii ay ka horyimaadeen Algeria , laakiin waxa ay heli doonaan fursad kale oo ay koobka ku qaadi karaan midkood Cameroon ama Masar kulanka xulka soo baxa axada.

Xidiga Diallo ayaa hogaanka u dhiibay Senegal isagoo kubad uu ka dhex helay diilinta ganaaxa si fudud ugu taagtay ciyaarta oo socota 70 Daqiiqo.

Senegal ayaa laabeeyay hogaankooda lix daqiiqo ka dib markii Mane uu ka faa’ideystay daafacyada isagoo u dhigay Gueye kaasi oo dhemeestiray Xulka Burkina Faso ayaa goolka Calanka la yimid lakin goolkaasi ma waarin oo waxaa goolka Saddexaad ugu Shubay Mane oo gool Qurux badan ka dul qaaday goolhayaha.

Xulka qaranka Senegal ayaa sidaasi ku tagay finalka koobkan Qaramada Africa.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*