Kooxda Real Madrid ayaa xalay sharaftay dhigeeda Liverpool kaddib markii ay wareega 16-ka Champions League kaga cidhib tirtay tartanka ugu xiisaha badan qaarada Yurub.
Goolkii uu dhaliyay Karim Benzema ayaa noqday mid lagu kala baxay ciyaartii ka qabsoontay Santiago Bernabeu walow lugtii horeba lagu soo kala calafqaaday oo Real Madrid 5-2 kusoo adkaatay.
Si kastaba, kooxda 14-ka jeer Champions League kusoo guuleysatay ayaan xalay samayn sidii looga bartay kulamadeeda Bernabeu kaddib oo gegida laga daari jiray heeskeeda caanka ah ee “Halla Madrid”.
Taas bedelkeeda Madrid ayaa ixtiraam iyo maamuus u samaysay Liverpool waxaana ay daareen heesta Reds caanka ku yihiin ee “You will never walk alone”.
Daqiiqadaas cajiibka ahayd ayaa sababtay in taageerayaasha labada kooxood si wadajir ah u dabaaldegaan iyagoo ruxayay lana soo baxay maryaha qoor gashiga ah ee magacyadoodu ku suntanaayeen.
Sidoo kale ciyaartoyda labada kooxood oo la filayay inay degdeg garoonka uga dareeraan ayaa la arkayay iyagoo gegida ku baaqday oo is gacan qaadaya laabtana is galinaya.
Sababta ay Real Madrid sidaas u samaysay ayaa ahayd inay iska gudaysay abaal ay hore ugu gashay Liverpool oo ahayd inay maamuustay madaxweyne sharafeedkeedii Amancio Amaro.