Home Wararka Ciyaaraha Cameroon 3-3 Serbia: Cameroon oo dhexda u istaagtay Rajada Xulka Serbia ee...

Cameroon 3-3 Serbia: Cameroon oo dhexda u istaagtay Rajada Xulka Serbia ee Koobka Adduunka

0

Xulka Cameroon ayaa labo daqiiqo kaliya ku kala diray Rajadii Serbia ee koobka Adduunka ciyaar ku soo dhamaatay 3 iyo 3.

Serbia ayaa kulankii ugu danbeeyay Guul-garo kala kulantay Xulka Brazi, Halka Cameroon dhankeeda lagu garaacay 1-0.

Kulankan ayaa muhiim u ahaa Labada Xul iyadoo Rajada Xulka Serbia lagu soo afjaray labo Daqiiqo oo kaliya.

Xidiga Jean-Charles Castelletto ayaa hogaanaka u dhiigay Xulka Cameroon Hase Ahaayee waxaa loogu badalay labo gool oo ka kala yimid Strahinja Pavlović iyo Sergej Milinković-Savić iyadoo lagu kala nastay 1-2.

Qeybta Labaad Daqiiqadii 53aad Xulka Serbia ayaa hogaanka Ciyaarta sii dheereestay Waxana Gool u dhaliyay Aleksandar Mitrović.

Xulka Cameroon ayaa Dadaal dheer kadib labo gool ku helay Labo Daqiiqo gudahood Vincent Aboubakar iyo Eric Maxim Choupo-Moting ayaana labada gool u dhaliyay iyadooo ciyaarta ay ku soo dhamaatay 3-3.

Previous articleHalka Waddo Ee Ay Arsenal Ku Heli Karto Saxiixa Jude Bellingham Oo La Ogaaday.
Next articleSouth Korea 2-3 Ghana: Kudus oo Labo Gool ka dhaliyay Xulka South Korea

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here