Cameroon 4-1 Ethiopia: Xulka Cameroon oo si fudud uga soo gudbay Itoobiya Si ay u hogaamiyaan Group A

Cameroon ayaa halkeedii kasii wadday bilawgii quruxda badnaa ee koobka qaramada Afrika kadib markii ay guul 4-1 kaga badisay Itoobiya.

Daqiiqadii 4-aad Xulka Martida ahaa ee Itoobiya ayaa hogaanka u qabtay ciyaarta kubad uu kasoo shaqeeyay A. Gebremichael waxana shabaqa dhex dhigay Dawa Hotessa.

xulka martida loo ahaa ayaa markiiba helay goolkii barbaraha iyada oo kubbad uu soo karoosay Collins Fai waxana madax Qurux badan ku dhameestiray Karl Ekambi iyadoo lagu kala nastay 1-1.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Cameroona ayaa heshay goolkeeda labaad Daqiiqadii 53aad waxana markan kubad madax ah u dhaliyay Vincent Aboubakar.

Aboubakar ayaa wax yar ka dib mar kale Shabaqa soo taabtay ciyaarta markii uu helay goolkiisii ​​labaad Daqiiqadii 55aad.

Ekambi oo kulankan wac-daro dhigay ayaa sidoo kale helay goolkiisii ​​labaad ee ciyaarta Daqiiqadii 67aad iyadoo ciyaarta ay ku soo dhamaatay 4-1.

Xulka Cameroon ayaa hada hogaaminaya Guruubka A iyadoo leh 6 dhibcood waxana ku soo xiga Burkina Faso iyo Cape Verde oo leh min 3 dhibcood .

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*