Canada 1-2 Morocco: Xulka Morocco oo soo baxay iyo Belgium-ka oo ka haray koobka Adduunka

Morocco ayaa iska xaadirisay wareega bug-baxa ee koobka adduunka markii ugu horaysay tan iyo 1986 kii kadib markii ay 2/1 kaga badiyeen Canada.

Kooxda Atlas Lions ayaa ku soo baxay booska ugu sareeya ee Group F iyaga hore 2-0 kaga badiyeen Belgium isla markaana ay barbaro gool la’aan ah la galeen Croatia.

Morocco ayaan wax waqti ah ku luminin kulankii Canada oo markii horeba laga cirib tiray, iyadoo Hakim Ziyech ka faa’ideestay kubad uu qalday goolahaya Milan Borjan Daqiiqadii 4aad Waxaana Goolka labaad ku daray Youssef En-Nesyri Ciyaarta oo socota 23 Daqiiqo.

Dhanka kale Xulka Belgium ayaa ka hadhay koobka adduunka kadib markii ay bar-baro niyad jab leh la galeen xulka Croatia Kulan uu Lukaku khasaariyay fursado waali ah.

Natiijo ahaan Xulka Morocco iyo Croatia ayaa sidaasi ugu soo baxay Wareega-ka 16 ee Koobka Adduunka.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*