Home Horyaalka Italy Cannavaro oo Su’al ka keenay Timaha Pogba” Timahaaga miyaad ka Taxadartaa in...

Cannavaro oo Su’al ka keenay Timaha Pogba” Timahaaga miyaad ka Taxadartaa in ka badan Kubada

0
Ad

Laacibka weyn ee Juventus Fabio Cannavaro ayaa su’aal galiyay go’aanka ay dib ugula soo wareegeen Paul Pogba .

Xiddigii hore ee Manchester United ayaa soo afjaray waayihiisa labaad ee Old Trafford isagoo si xor ah ugu laabtay Turin ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisa xagaagan.

Ad

Laakin wax yar ka dib markii uu dhaawac jilibka ah soo gaaray taasoo keentay inuu garoomada ka maqnaado.

Cannavaro waxa uu ka walaacsan yahay Pogba, isagoo ku andacoonaya: “Ciyaaryahan kubbadda cagta ahaan Paul Pogba aad ayuu ii farxad galiyay, laakiin sannadihii ugu dambeeyay ee uu ku noolaa Manchester United wuxuu ahaa mid aan la aqoonsan karin.

“Iyadoo loola dhaqmo si xad dhaaf ah tintiisa iyo muuqaalkiisa ayaa iga dhigaysa inaan ka shakiyo.

Waxaan u maleenayaa in uu timahiisa awood saaro halkii uu kubad xoog saari lahaa

Previous articleTaageerayaasha Brentford oo ku jees jeesay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Man Utd Christian Eriksen
Next articleCiyaartoyda Man Utd oo soo dhaweeyay saxiixa cusub ee Casemiro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here