Carlo Ancelotti ayaa si maldahan u sheegay imaatinka Kylian Mbappe, Erling Braut Haaland Xagaagan

Carlo Ancelotti ayaa ka dhawaajiyey in kooxda reer Spain ee Real Madrid ay isku dayi doonta inay la soo wareegto Kylian Mbappe iyo Erling Braut Haaland ka hor xilli ciyaareedka 2022-23.

Los Blancos ayaa lasheegayaa in ay tahay kooxda ugu cadcad si ay u xaqiijiso saxiixa Mbappe, xiddiga heerka caalami ee dalka France ayaa u muuqda mid isku diyaarinaya in uu isaga tago Paris Saint-Germain marka uu qandaraaskiisu dhaco bisha June ee soo socota.

Dhanka kale, Haaland, ayaa qandaraaskiisa Borussia Dortmund lagu burburin karaa 63 milyan ginni xagaaga soo aadan, warbixin dhowaan soo baxday ayaana sheegtay in 21-sano jirkaan uu doonayo inuu u dhaqaaqo Bernabeu.

Ancelotti ayaa sheegay in madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez uu leeyahay “qorshayaal waaweyn” iyo “ujeedooyin culus” suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan, iyadoo Haaland iyo Mbappe labaduba loo maleynayo inay bartilmaameedsanayaan.

Real Madrid, ayaa la sheegay inay qaboojisay xiisaha Paul Pogba , inkastoo Ciyaaryahanka khadka dhexe ee lagu heli karo beeca xorta ah sanadka soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*