Home Warar Ciyaaraha Maanta Carlo Ancelotti oo ka hadlay bar-barihii ay kooxdiisu la gashay Mallorca kulan...

Carlo Ancelotti oo ka hadlay bar-barihii ay kooxdiisu la gashay Mallorca kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

0

Tababaraha Kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay bar-barihii ay kooxdiisu la gashay Mallorca kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa bar-baro ku bilaabatay difaacashada tartanka horyaalka La Liga iyaga oo dhaafi waayay kooxda Mallorca.

Kooxda Los Blancos ayaa bar-baro 1/1 ah ku kala baxay kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

“Waxa naga dhimanaa dheelitiranaanta, anigu kuma faraxsani natiijada bar-baraha”ayuu Ancelotti yidhi.

“Waxa aan awoodnay in aan soo bandhigno qaab ciyaareed ka fiican midkii aan soo bandhignay”.

“Waa in aan wax ka barano kulankan waxana iska cad in aan dhibaato ka cabanayno”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here