
Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay damaca Arsenal ee la xidhiidha xiddiga khadka dhexe ee kooxdiisa ee Eduardo Camavinga, kaas oo la sheegay in Gunners ay ku doonayso inay amaah ku qaadato illaa dhamaadka xilli ciyaareedka.
Carlo Ancelotti ayaa waxa uu sheegay, in xiddiga reer France uu lama-taabtaan u yahay kooxdiisa oo aanu marnaba iib ahayn amaba aanu si kale ku bixi doonin.
Eduardo Camavinga oo kusoo bilowday ciyaartii Villarreal ee Copa del Rey ayaa uu Ancelotti u yeelay tilmaamo uu ku sifeeyey saddex erey oo kaliya, halka uu dhinaca kalena barbar-dhigay Luka Modric iyo Toni Kroos.
Ancelotti oo la hadlayay warbaahinta ka hor ciyaarta Athletic Bilbao ee San Mames ee Axadda ayaa la weydiiyey waxa uu kala socdo doonista Arsenal ee Eduardo Camavinga, waxaanu ku jawaabay: “Eduardo waa lama taabtaan.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu raaciyey: “Isagu waa ciyaartoygayaga, waxa uu muhiim noogu yahay sida Luka Modric iyo Toni Kroos oo kale.”
Xilli ciyaareedkan socda ayaa uu saftay 26 kulan oo uu 11 ka mid ah kusoo bilowday, waxaana uu caawiyey hal gool oo ay kooxdiisu dhalisay, laakiin waxa uu saluugsan yahay daqiiqadaha uu garoonka ku jiro.
Be the first to comment