Carlo Ancelotti ayaa sheegay in Luka Modric uu heshiis u saxiixayo kooxda reer Spanish, iyadoo wararka la isla dhexmarayo ee ku wareegsan mustaqbalkiisa.
Qandaraaska uu haatan kula jiro xiddiga reer Croatia ee Bernabeu ayaa ku eg xagaagan, Manchester City ayaa si xoogan loola xiriirinayaa ciyaaryahanka khadka dhexe ee qibrada leh.
Warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in Citizens ay u soo bandhigtay 36 jirkaan qandaraas isagoo rajeynaya inuu ku qanciyo inuu dib ugu soo laabto Premier League marxaladaha ugu dambeeya ee xirfadiisa ciyaareed.
Si kastaba ha ahaatee, markii wax laga weydiiyay Modric talaadadii, Ancelotti ayaa u muuqday mid xaqiijinaya in ciyaaryahanka khadka dhexe uu sii joogi doono Bernabeu inkastoo uusan weli si rasmi ah qalinka ugu duugin cusbooneysiinta.
“Luka Modric weli ma saxiixin qandaraaska cusbooneysiinta, laakiin dhab ahaantii wuxuu qandaraas noloshiisa ah kula jiraa Real Madrid,” Ancelotti ayaa u sheegay suxufiyiinta.
Laacibka reer Croatia ayaa caawiyay shan caawin 20 kulan oo uu u saftay heerka kooxda intii lagu jiray ololaha 2021-22.