Home Warka Xiisaha Leh Carlo Ancelotti oo ka hadlay kaddib guushii soo laabashada ahayd ee ay...

Carlo Ancelotti oo ka hadlay kaddib guushii soo laabashada ahayd ee ay ka gaadheen Real Sociedad

0

Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa warbaahinta la hadlay kaddib guushii soo laabashada ahayd ee ay ka gaadheen Real Sociedad oo bilowgii gool kaga nixiyey, balse ay ka daba yimaaddeen Fede Valverde iyo JOselu, taas oo keentay in Los Blancos ay mar kale hoggaanka u qabato horyaalka oo shantii ciyaarood ee ay dheeshay ay dhamaantood guulo gaadhay.

Carlo Ancelotti waxa uu sheegay in ciyaartoyda kooxdiisa ay qaarkood dallanaayeen gaar ahaan Fede Valverde iyo Rodrygo Goes oo kusoo daahay xulalkooda Uruguay iyo Brazil oo ay habeenkii Khamiistu soo gelaysay usoo ciyaareen isreeb-reebka Koobka Adduunka, kaddibna safarro dhaadheer soo galeen.

Waxa kale oo uu sheegay in ciyaartoyda kooxdiisu ay muujiyeen in ay awood u leeyihiin in aanay marnaba luminin yoolkooda, laakiin ay wax laga walwalo tahay in saddex ka mid ah shantii ciyaarood ee horyaalka ay dheeleen lagala hormaray goolal, isla markaana labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ay joogeen garoonkooda Santiago Bernabeu oo ay waqti dambe dagaallameen.

Sidoo kale, weeraryahanka Joselu ayaa uu ammaan u jeediyey, waxaanu yidhi: “Waa ciyaartoy si fiican uga dheela difaaca dabadooda, sidoo kalena waajaha. Waxa uu khatar ku yahay marka uu ku jiro xerada ganaaxa oo uu madaxa aad ugu fiican yahay. Waanu ognahay waxa uu ciyaartan oo kale nagu soo kordhin karayo. Xilli-ciyaareedkii hore, waxa aanu weynay ciyaartoy isaga oo kale ah.”

Bellingham ayaa uu sidoo kale u cudur-daaray oo uu sheegay in difaaca Real Sociedad ay si aad ah u ilaalinayeen, una diideen in uu soo galo xerada ganaaxa.

Previous articleGary Neville  oo ammaan kula dul-dhacay xiddig ka tirsan Arsenal
Next articleHalyeygii xulka qaranka England ee Owen Hargreaves oo saadaalin Yaab leh ka Bixiyay ciyaarta Champions League ee Arbacada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here