Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa shaaca ka qaaday in Vinicius Junior uu soo gaaray dhaawac intii lagu jiray kulankii sabtida ee horyaalka La Liga ee ay la ciyaareen Villarreal, taasoo u horseedi karta inuu muddo garoomada ka maqnaado.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa shabaqa soo taabtay intii lagu guda jiray kulankii horyaalka, isagoo shabaqa ku hubsaday daqiiqadii 73aad, wuxuuna ka dhigay 2-0 ay Los Blancos hogaanka ku heysay, iyadoo Federico Valverde uu qeybtii hore ee ciyaarta dhaliyay goolka 1-aad.
Vinicius ayaa la bedelay daqiiqadii 79-aad ee ciyaarta, inkastoo Ancelotti uu shaaca ka qaaday in weeraryahanka uu u baahan doono inuu maro baaritaan ka hor inta aan la xaqiijin halista dhaawaca.
“Waxa soo gaadhay dhaawac intii ay ciyaartu socotay, waxa uu dareemaya xanuun waxa uu u baahnaan doonaa baadhitaan”Ancelotti ayaa u sheegay suxufiyiinta intii uu socday shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka dib.